U bood dhigaalka

Xildhibaan Xasan Macallin ” Qof Walba oo Mas’uul ah Waa Inuu Ka Dhiidhiyaa In Sharci Darro Loo Cuskado Doorashada”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xasan Macallin Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeyn dusha uga tuuray madaxda ugu sarreysa ee dalka oo uu ku tilmamaay iney baalmareen dastuurkii dalka u degsanaa.

Xildhibaan Xasan Macallin oo maanta ka hadlay kulan ay isugu yimaaddeen midowga xisbiyada siyaasadeed ee dalka, ayaa sheegay in wax fiican aysan ahayn xubin oday dhaqameed ah oo uu sheegay in si khaldan loogu soo daray liiska odayaasha dhaqanka ee xulaya Ergada baarlamaanka ee doorashada dalka:

“Qof walba oo mas’uul ah waa inuu ka dhiidhiyaa in wax aan sharci ahayn loo cuskado doorashada, waxaa dadaalkeennu saaran yahay sidii loo xaqiijin lahaa doorasho hufan iney dhacdo” ayuu yiri xildhibaanka.

Wuxuu sheegay inuu ka digayo in qaab khaldan loo maro hannaanka doorashooyinka xildhibaanada iyo tan madaxtinimada ee dalka Soomaaliya

“Waxaan leeyahay aan ka digtoonaanno in doorasho aan sax ahayn ay ka dhacdo dalka, maxaa yeelay horay waxaa u taagnaa tuhun ah in guddiga doorashada ay madaxtooyada ka shaqeeyaan, haddana in shakiyo kale la sii abuuro waxaan u aragnaa wax aan u qalmin dalka iyo dadka wakhtigani xasaasiga ah” ayuu yiri xildhibaan Xasan Macallin.

Xildhibaan Xasan Macallin ayaa ugu dambeyn tilmaamay inay muhiim tahay in la joojiyo faragelin uu sheegay in madasha ay ku heyso liiska odayaasha dhaqanka ee beelaha oo qorshuhu yahay in ay soo xulaan baarlamaanka .

Goobjoog News