U bood dhigaalka

Xildhibaan Xoosh Jibriil Oo Ku Tilmaamay Qodobadii Shirka Madasha Baydhabo Kuwo Wax u Dhimaya Doorashada 2016

Sheeko:War

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in qodobadii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga qaran kuwo la rabo in mugdi wax lagu sameeyo, daahfurnaanta doorashdana wax u dhimaya.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn waxa uu ka hadlay sida ay ula muuqato qodobadii shirka madasha qaran:

“Waxay iila muuqataa in si mugdi ah in wax loo sameeyo la rabo, haddaan soo qaato 135 odoyaal waxaa khaladaad ka dhaceen odayaal dhaqameedyadii geeriyoodeen bedel koodii, si aan daahfurneyn ayaa loo sameeyay oo madaxweynaha dani ugu jirto, beelaha qaarkood oday dhaqameedkii ugu jiray sanadkii 2012 waa laga bedelay. Dhinaca kale marka aan fiirinno Hiiraan Ugaas Xasan Ugaas oo maqaam weyn odayaasha ku leh inaan lagu darin khalad waaye, maadaama hadda isagii uu ugaaska yahay”.

Waxa uu soo dhaweeyay in wasiirada laga saaro guddiga doorashada heer federaal; “Guddiga farsamada ee la sameeyay way fiican tahay in laga saaray wasiiradii horey ugu jiray, laakiin dadka lagu reebay hadda waa dad un xukuumadda u shaqeeya, waxay ahayd dadka farsamada wada dad dhex dhexaad ah oo Soomaali oo dhani ay ka muuqato iney ahaadaan ayay ahayd, taasna waxay hadda duraysaa xalaalnimada doorashada soo socota”.

Xildhibaanku waxa uu ka digay in wadada guddiga doorashada oo kale la mariyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada, isagoo xusay iney habboon tahay in guddiyada hadda la magacaabay ee doorashada dib loo saxo.

Xildhibaan Xoosh waxa uu xusay in mushkiladda jirtaa ay tahay dadka dejinaya qorshaha doorashadu iney yihiin dad murashixiin ah oo xil doon ah; sidaa darteedna aaney suurogal ahayn in tartanku u ekaado mid daah furan oo xalaal ah, maadaama murashixiintii kale aaney qeyb ku lahayn go’aanka doorashada ayna u badan tahay in laga xagliyo.

Waxa uu xusay in ay habboontahay qodobada ugu dambeeya ee laga filayo shirka Madasha ee dhaca 17 Luulyo, in la horkeeno baarlamaanka si uu u xalaaleeyo, haddii kale waxa la wado oo dhani ay noqon doonaan waxaan sharci ku salaysneyn maadaama dalku uu leeyahay baarlamaan sharci ah.

Shirka madasha wadatashiga qaran ee magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyay 25 bishan iyadoo ay ka soo baxeen qodobbo 13 ah oo la isla meeldhigay, kuwas oo khuseeyay dhameystirka hanaanka doorashada dalka ee 2016.

Goobjoog New