U bood dhigaalka

Xildhibaan Xuseen Carab “Dib Baa Loo Eegayaa Tacaddiyadii AMISOM Ay Dalka Ka Geysteen Tan Iyo 2011-kii”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dib loo eegayo dhibaatooyinka ay ciidamada AMISOM ka geysteen dalka wixii ka dambeeyay sanadka 2011-ka.

Gudoomiyaha guddigaasi Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay la kulmeen madaxda AMISOM, lagana wada hadlay wax walba oo dhacay.

Waxa uu sheegay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ciidamada AMISOM ka geysteen magaalada Marka diiradda la saaray islamarkaana la magacaabay guddi baartaan dhab ah arrinkaasi ku sameeya.

Waxa uu sheegay in AMISOM ay diyaar u yihiin wax walba oo ku cadaada in magdhaw ay ka bixiso, waxaana uu sheegay in dhankooda iyaguna ay cabsho kasoo yeeraysay, taas oo ku aadan in Marka aanu ka jirin nidaamkii dowladda.

“Dib baa loo eegayaa tacaddiyadii AMISOM ay ka geysteen dalka wixii ka dambeeyay 2011-ka, si hadii ay wax ku cadaadaan ku bixiyaan magdhaw, mar walbana uu u jiro la xisaabtan dhab ah” ayuu yiri xildhibaanka.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Marka ayaa la sheegay in si bareer ah ay u dileen dad shacab ah, taasi oo soo dedejisay la xisaabtankaan, dhinaca kale waxaa jirta tacaddiyo kuwaan la mid ah oo ay geysteen ciidamada Itoobiya oo ka mid ah howlgalka AMISOM, kana geysteen gobalka Hiiraan.

Goobjoog News