U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta La Filayo In Ay u Codeeyaan Mooshinka Laga Keenay Baarlamaanka Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan waxa ay ku leeyihiin xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo in ay so oaf meeraan mooshinka ka yaalla Baarlamaanka Jubbaland.

Baarlamaanka oo ay hor taallo shaqo aad u badan ayaa la filayaa in maanta Mooshinka Baarlamaanka Jubbaland codka u qaadaan, waxaana sidoo kale la horgeyn doonaa Hindise Sharciyeedka saxaafadda iyo Hindise Sharciyeedka shaqaalaha Ajaanibta ah.

Dhowr jeer ayuu dib u dhacay kulanka xildhibaanada baarlamaanka, ka dib markii ay xaadiri waayeen tirada xildhibaanadii loo baahnaa in kooramka baarlamaanka ku furmo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News