U bood dhigaalka

Kulanka Baarlamaanka Oo Maanta Su’aallo Lagu Weydiin Doono Wasiirka Waxbarashada Khadra Bashiir

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya Khadra Bashiir Cali ayaa maanta la filayaa in ay hor tagto xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo su’aalo la weydiin doono.

Shalay ayaa looga yeeray wasiirka xarunta golaha shacabka, ka dib markii Todobaadkii hore ay ka cudur daaratay in xildhibaanada ay hor tagto.

Maanta ayeey xildhibaanada waxa ay wasiirka waxyaabo badan ka weydiin doonaan arrimo la xiriira waxbarashada dalka.

Sidoo kale kulanka xildhibaanada ee maanta ayaa waxaa sii socon doona ajendaha Xeerka Isgaarsiinta oo ay is qoreen inay ka doodaan 65 mudane oo 15 ka mid ah shalay hadashay.

Xildhibaanada baarlamaanka waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin meel marinta Hindise sharciyeedyo kahor sanadka 2016-ka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News