U bood dhigaalka

Xildhibaanada Federaalka Qaarkood oo Ol’olihii Dib u Doorasho Ka Bilaabay  Degaanadii ay ka soo Jeedeen

Sheeko:War

Xamsa Sheekh Xuseen Colow oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo booqasho ku tagtay magaalada Kismaayo ayaa sheegatay  iney halkaa u tagtay, hardanka loogu jiro raadinta xilka baarlmaanka federaalka Soomaaliya ee doorashada 2016.

Xildhibaanad Xamsa ayaa magaalada Kismaayo Waxay kula kulantay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin ururrada haweenka iyo dhalinyarada, waxay sheegtay iney Kismaayo u timid ol’olaha siyaasadda iyo doorashada iyadoo sheegtay iney doonayso in mar kale dib loo soo doorto:

“Waxaan u mahadcelinayaa bulshada aan ka soo jeedo oo maanta ugu imaaday in aan xilliga kala guurka ama wacyiga maanta jiro aan iska wareysanno, hadana waxaa aniga ii muhiimsan idinka rabitaankiinna, maanta kursigii baan soo doontay, maamulkeyga, Ugaaskayga iyo Ergadayda iyo Soomaalida ayaan dhinac kaga jiraa, laakiin beeshii aan anigu ka dhashay kursigii aniga wey I siiyeen”, ayay tiri xildhibaan Xamsa.

Xildhibaanka ayaa si guud uga mahadcelisay soo dhaweynta fiican ee loo sameyeyay, waxayna dadka Jubbaland ugu baaqaday iney amnigooda ilaashadaan.

Si kastaba, waxaa si weyn u bilowday ol’olaha doorashooyinka xildhibaanada dalka oo si habsami leh uga socda gobollada dalka, halka guddiga doorashooyinku ay ku dhawaaqeen in ugu dambeyn 12 bisha soo aaddan loo soo gudbinayo liiska ergada doorasho ee baarlamaanka 10aad ee dalka.

Goobjoog News