U bood dhigaalka

Xildhibaanada Galmudug oo u soo Xirmay Siminaar ku saabsan Hab Qoraalka Shuruucda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa waxaa shalay ugu soo gabagaboobay magaalada Cadaado siminaar 3 cisho ah oo lagu baranayay qoraalka Shuruucda Baarlamaanka, siminaarkana ayaa waxaa bixineysay hay’adda UNDP.

Ugu horreyn xubnaha baarlamaanka Galmudug ayaa ka mahadceliyay tababarka  iyagoo sheegay in ay wax badan ka faa’iideen mudadii uu socday.

Xildhibaanada ayaa ka hadlay waxa ay ka faa’iideen siminaarka ay qaateen iyagoo sheegay in ay fahmeen waxa ka imankara shuruucda ay tahay in uu baarlamaanku meelmariyo, iyadoo laga fiirinayo nacfiga uu u leeyahay degaanka, diinta inaanuu ka hor imaaneyn, dhaqan aan diidayn, dadkan dan u yahay oo aan caqabad ku keeni doonin .

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka hadlay gabagabadii siminaarka isagoo yiri ” maanta oo taariikhdu tahay 7 Marso waxaa inoo soo gabagaboobay siminaarkii ay noo soo dirtay UNDP-da oo uu ka bixinayay baarlamaanka dowlad goboleedka galmudug xaruntiisa, wakiil ka socda hay’adda UNDP-da oo ay u soo xilsaaray inuu siminaarka siiyo baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo soconayay muddo 3 maalmood ah oo laga soo bilaabo Sabtidii, Isniina soo gabagaboobay, waan u mahadcelineynaa runtii wax badan ayaan ka faa’iidnay, waanan u mahadcelineynaa hay’addaas siminaarka ay na siisay, waxaan ka codsaneynaa iney noo kordhiso oo midkaan mid ka badan ay nasiiso, si aan uga faa’ideysanno oo xildhibaannada Galmudug aqoontooda loo dhiso”.

Baarlamaanka Galmudug ayaa la dhisay bishii 27 Juun ee 2015,  iyaga oo illaa iyo hadda aan yeelan kalfadhigii ugu horreyay ee baarlmaanka Galmudug, muddo 8 bilood kor u dhaafaysa uu dhisan yahay baarlmaanku, si kastaba siminaarka ayaa u muuqda mid u gogol xaaraya shaqada baarlamaanka Galmudug oo la filayo inuu dhawaan bilaabo howlmaalmeedkiisa sharciga ah ee loo igmaday.