U bood dhigaalka

Xildhibaannada Haweenka Oo Walwal Ka Muujiyay Helidda Kootada 30%

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda dekedaha oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa walwal xoog leh ka muujisay iney haweenku helaan kootadoodii doorashada ee 2016.

Marwo Luul Cabdi Aadan ayaa sheegtay in beelaha laga doonayo in dadka ay soo xulayaan ay ku soo daraan haween, isla markaana beelaha qaar ay hadda sidaas sameeyeen kuwa kalena ay ka filayaan iney wadadaa raacaan.

Dumarka ayay ku dhiirri gelisay in ay u tartamaan xildhibaannimada iyadoo ku boorisay in kuraasta baarlamaanka ay ku dadaalaan sidii ay uga heli lahaayeen qoondadii loogu talagalay, shuruurdo kasta oo doorashada ahna ay buuxiyaan.

Waxay xustay in guud ahaan dumarku ay kaalin weyn ka qaateen dalka qof kastaana uu ogsoon yahay:

” Burburkii wixii ka dambeeyay taariikhda ay dumarka Soomaaliyeed ku yeesheen waa la wada ogsoon yahaya, waxay mudan yihiin waa la wada ogsoon yahay, hooyo meel walba oo ay joogto gurigeeda ayay ku karaameysan tahay, reeraha Soomaaliyeed wixii burburkii ka dambeeyay qabiil ayaa dowladdu ku dhisneyd, wax la yiraahdo 4.5 oo mar dhaw aan rajeynayno inaan ka gudubno, waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo beelaha soo dhameystiray kootadii dumarka”.

Waxay muujisay walwalka ay ka qabto in dumarku ay helaan kootadooda loo qoondeeyay:

“Qabiiladu xisaabta way ku kala badan yihiin qabiilkii 3 xildhibaan leh iney qof dumar ah keenaan waa lagama maarmaan, haddii uu keeni waayo lagama qabanaayo, iyadoo sidaas la leeyahay waxay u egtahay in la marsiin doono, walwal weyn ayaa ka jiro iney dumarku saamigoodii helaan”.

Shirka madasha wadatashiga qaran ee bishan 17; lagu qaban doono magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in looga hadlo kootada dumarka sidii lagu hirgelin lahaa iyo waliba qodobbo kale oo khuseeya doorashooyinka 2016.

Goobjoog News