U bood dhigaalka

Xildhibaanada Wada Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Wada Hadal Diiday

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan mudanayaashii mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la yaab ku sheegay qoraal dhawaan kasoo baxay gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxa uu sheegay in hadii uu gudoomiyaha  soo saaray qoraal uu kusoo afjaray mooshinkaasi, in hadana wada hadal uu ku baaqo ay tahay mid dad badan oo Soomaaliyeed la yaabaan.

“Jawaari waa gudoomiye baarlamaan, waxaana uu shir gudoomiyaa kulamada xildhibaanada, isaga oo jooga Villa Hargeysa ayuu sheegay inuu xiray baarlamaanka, iska xir ma ahan baarlamaanka ee sharci loo xiro buu leeyahay” ayuu yiri Xildhibaan Aabi.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Aabi Aadan ayaa sheegay in marnaba aysan hadda jirin wada hadal laga galo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, islamarkaana ay wataan howshooda ku aadan arrintaasi.

“Mar hadii uu qoraal u gaar ah soo saaray, wax laga wada hadlo ma jirto, howsheena waan wadannaa, waana wadan doonnaa, sharci yaqaanadeena iyo looyaradeena maanta ayeey noo soo saarayaan arrimaha sharci ee aynu ka dalbanay, waana la wadaagi donnaa isaga oo gudoomiyaha ah, baarlamanaka iyo caalamka” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Aabi.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha Baarlamaanka in sharcigii uu ku xadgudbay, islamarkaana qorshaha laga leeyahay arrintaasi tahay inuu saxiixayaasha ka mid noqdo Road Map uu sheegay in la damacsan yahay in la sameeyo.

Xildhibaan Aabi ayaa geesta kale sheegay in xildhibaanada diidan mooshinka madaxweynaha ay qudhooda ka been abuurteen mudanayaal badan oo isaga uu ka mid yahay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 25-kii bishaan September waxa uu soo saaray qoraal uu ku sheegayo in wada hadal lagu xalinayo xildhibaanada isku khilaafsan mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh.

Goobjoog News