U bood dhigaalka

Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Oo Aqbalay Go’aankii Jawaari Ee Wada Hadalka

Sheeko:Baarlamaanka

Qaar ka mid ah xildhibaanadii mooshinka ka keenay madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxa ay ku sheegeen inay aqbaleen go’aankii gudoomiyaha baarlamaanka ee ahaa in wada hadal laga galo mooshinka laga keenay madaxweynaha.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in markii ay arkeen xasilooni darrida ka dhalatay mooshinka madaxweynaha, iyo qalalaasaha siyaasadeed ee uu dalka galay ay go’aan ku gaareen inay aqbalaan go’aankii gudoomiye Jawaari ee ku aadan in wada hadal laga galo arrinta mooshinka.

Qodobada ay xildhibaanadaan ku aqbaleen wada hadalka ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa sida ay sheegeen, markii ay arkeen kala qeybsanaanta baarlamaanka iyo waqtiga yare ee u dhiman inuu dhameystiro baarlamaanka howlaha baaxadda leh ee horyaalla.

Xildhibaan Aamina Cumar oo ka mid ah xildhibaanadii kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in go’aankaan ay ka wada siman yihiin dhammaan xildhibaanada 93-da ah ee mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa ay xildhibaannadda sheegtay in marnaba aysan tuurin mooshinkooda, balse ay aqbalayaan codsigii Jawaari ee ahaa in wada hadal laga galo arrimaha mooshinka iyo kala aragti duwanaanshaha soo kala dhex galay Xildhibaanada.

Xildhibaanno tiro ahaan gaaraya 93 mudane ayaa 12-kii August waxa ay guddonka baarlamaanka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu ku xadgudbay Dastuurka dalka u yaalla.

Arrintaasi ayaa waxaa ka dhalatay buuq xilidhibaanada dhexdooda ah, waxaana xildhibaanno iyaguna tiradoodu lagu sheegay 126 ay 31-dii August u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka mooshin ay ku dalbanayeen in lagu laalo mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa 4-tii bishan September waxa uu soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo kala aragti duwanaanshaha soo kala dhex galay xildhibaanada baarlamaanka, isaga oo sidoo kale ka dalbaday mudanayaasha in wax walbo laga wada hadlo.

Riix Halkaan Si Aad Codka u Dhageysato

Goobjoog News