U bood dhigaalka

Xildhibaankii 2-aad oo BF oo 60 Cisho Gudaheed Hargeisa Cafis Weydiistay, Iskana Casilay Shaqada Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalada Hargeysa dib ugu noqday Mustafe Qodax, ninkan oo ahaa Senator ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa 4 sano uun kasoo maqnaa magalaadaasi, hadda uu muddo xileedkiisa dhammaadana iska casilay sida uu sheegay, isla markaana cafis weydiistay Somaliland.

October ayey aheyd markii Maxamed Cumar Carte oo isna horay usoo noqday ra’isul wasaare ku-xigeen ahaana xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo Hargeisa ku laabtay, uuna cafis weydiistay.

“Aad ayaan u faraxsanahay, dareenkayga lama soo koobi karo,  muddo afar sano iyo bil ah oo aan ka maqnaa magaaladii aan ku barbaaray magaaladaydii Hargeysa caasimaddii Somaliland, inaan kusoo noqdo oo la igu soo dhoweeyo aad ayaan ugu faraxsanahay ,bahda saxaafadda iyo bahdii goloyaasha ee isoo dhoweeyey” ayuu yiri Mustafe Qodax.

Sidoo kale Mustaf ayaa sheegay sababta ka dambeysay in uu afar sano kadib  ku laabto iyo halka uu uga dhawaaqay iscasilaadiisii xubinnimada aqalka sare.

“Dubai ayaan joogay muddo bil a, xilkii aan ka haayey Soomaaliya halkaas ayaa iskaga casilay xaflad lagu qabtay, halkaas aniga oo jooga ayaan cafis ka soo dalbaday, sidii ayaan ku imid wixii dambe waan isaga imaanaynaa, maanta runtii aad ayaan ugu faraxsananahay” ayuu yiri Mustaf  Qodax .

Ku laabashada Hargeysa ee Mustafe ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa iyadoo dhowaan Soomaaliya ay galeyso  doorashada labada gole ee Baarlamaanka federaalka ah oo lafilaayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2021-ka, waxaana uu ka mid ahaa xildhibaannada gobolada Waqooyi ee Soomaaliya  ku matalayey golaha aqalka sare.

Goobjoog News