U bood dhigaalka

Xildhibaannada Galmudug oo Ansixiyey Sharciga Lagu Dhisayo Ciidanka Daraawiishta

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda u ah maamulkaas ayaa ansixiyey sharciga lagu dhisayo ciidanka daraawiishta, kaas oo horay ay u soo gudbisay wasaaradda amniga gudaha Galmudug.

Xildhibaannada soo xaadiray fadhiga kulanka ayaa ahaa 51 mudane, waxaa sharciga loogu  codeeyey hab gacan taag ah, waxaana ogolaaday 50  xildhibaan, halka uu ka aamusay 1 mudane majirin mid  diiday meelmarinta sharciga.

Wasiirka Amniga gudaha maul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sharcigaan Baarlamaanka horgeeyay isbuuc ka hor ayaa Xildhibaannada golaha wakiillada  uga mahad celiyay ansixinta Sharcigaan ay meel mariyeen.

“Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug waxay u mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal, Guddiga Amniga iyo Xuduudaha iyo xildhibaanada Barlamaanka Galmudug oo maanta si aqlabiyad ah ku ansixiyey Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

Goobjoog News