U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Doortay Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dalka oo maanta kulankoodii ugu horeeyay yeeshay ayaa doortay guddiga doorashooyinka guddoonka golaha shacabka.

Kulanka oo uu shir goddoominayay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha shacabka xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Dhabanacad ayaa waxaa goobjoog ahaa xildhibaannada golaha shacabka ee dhawaan la dhaariyay.

Guddiga doorashada guddoonka golaha ee fadhiga maanta la magacaabay ayaa ka kooban 10 xubnood oo kamid ah xildhibaannada golaha shacabka, waxa ayna kala yihiin :-

1- Cabdullaahi Rooble . Puntland
2- Mohamed Hussein . Soomaaliland
3- Cabdirisaaq Cumar. Hirshabeelle
4- Xuseen Maxamed Nuur . Galmudug
5- Xaaji Cali Max’ed Nuur. Koonfur Galbeed
6- Maxamed Abuukar. Koonfur Galbeed
7- Dahabo Suusow Maxamuud. Hirshabeelle
8- Qaasim Cilmi Seed. Galmudug
9- Cumar Sharif Jeeg. Banaadir
10- Nasro Mahdi Caraale. Jubbaland