U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Fasaxa Xajka iyo Ciidda Galay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa galay fasaxa Xajka iyo maalmaha Ciidul Adxa, waxaana Xildhibaanadda laga codsaday in ay Golaha xaadir ku ahaadaan maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 16-ka Bisha July 2022 si Goluhu uu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah ee u yaalla.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoonka Golaha ayaa lagu sheegay in Xildhibaannada ay mudadda fasaxa ah ku soo dhameystaan danahooda gaarka ah, golaha shacabka ayaana muddooyinkii dambe kulamo xiriir ah, kulamadii dambe ayaa waxaa golahu diiradda ku saaray tixraaca maaliyadda dalka oo afartii sano aan xisaab xir laga sameyn.

No photo description available.