U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Ku Kala Aragti Duwan Mooshinka Jawaari

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan mudanayaasha golaha Shacabka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weli uu taaganyahay mooshinka laga wado guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan Amiin Jeesow ayaa intaas ku daray in xildhibaannada golaha shacabka aysan weli yeelan fadhi looga hadlayo arrinta mooshinta,  uuna taagnaan doono ilaa iyo inta baarlamaanka ay fadhi ka yeeshaan mooshinka ka dhanka Jawaari waxa uuna yiri.

“Mooshinka waa uu taaganyahay, weli baarlamaanka fadhi mayeelan oo looga doodayo, meeshaas ayuu taagnaanaa ilaa iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed uu ka fadhiisanayo oo waajibaadkii ka saarnaa uu ka gudanayo”.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Kaafi oo asna la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in mooshinka ay wadaan Xildhibaannada ay saameyn ku yeelan karto howlihii baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

“Arinta Socota waxaa ay Saameyn ku yeelan kartaa howlaha dastuuriga ah ee Baarlamaanka balse waa laga wada hadlaa, khilaafaadka jira markii uu dhamaado Baarlamaanka waxa uu u gudbi doonaa howlihiisa shaqo ee kale”.

Goobjoog News