U bood dhigaalka

Xildhibaannada dhediga ah ee barlamaanka oo kampala Siminaar Uga Furmay

Sheeko:War

hawen3War-saxaafadeed: Xildhibaannada dhediga ah ee ku jira barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu maanta siminaar lagu kobcinayo aqoontooda  uga furmay magaalada Kampala ee caasimadda  Yugandha.

Munaasabadda siminaarkan aqoon kororsiga ah oo ay si wadajir ah u wadaagi doonaan xildhibaanada dhediga ah ee ku jira Barlamaanada Soomaaliya iyo  Yugandha ayaa  lagu qabtay hoteelka Africano,  waxaana  ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay barlamaanka Yuganda, wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha ee dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda AWEPA oo soo abaabushay siminaarkaasi.

Xildhibaanad Maryan Maxamed Isxaaq oo ah guddoomiye ku xigeenka Golaha xilldhibaanada dhediga ah ee ku jira barlamaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay  furitaanka siminaarkan ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin ka qayb galka siminaarka caynkan ee la xiriira doorka haweenka iyo siyaasadda iyo sare u qaadooda,waxayna  u mahad celisay hay’adda AWEPA iyo barlamaanka Yugandha.

Xildhibaan C/laahi Xasan Rooble oo ka mid ah Hab-maamuuska  Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in siminaarkan uu qayb ka yahay istiraatiijiyadda uu Gudgoonka barlamaanka Federaalka Soomaaliya u dejiyay in xildhibaanada Golaha Shacabka aqoontooda sare loogu qaadayo, isagoo ku hadlaya  magaca Golaha Shacabka  ayuu uga mahad celiyey barlamaanka Yugandha iyo hay’adda AWEPA.

Siminaarkan maanta u furmay xildhibaanada dhediga  ah ee  barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa socon doona muddo 5 cisho ah.

Tababarkan ayaa imaanaya xili laba maalmood ka hor magaalada Kampala siminaar  sare loogu qaadayey xirfadooda  loogu soo geba gabeeyey guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah iyo ku xigeenadooda.

 

-DHAMAAD-