U bood dhigaalka

Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Ka soo Jeeda Gobolka Gedo Oo Eedeyn U Soo Jeediyay Madaxweynaha Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa in muddo ah socday dedaallo lagu doonayey in wax looga qabto khilaafka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dhinacyada ka soo horjeeda ee ka tirsan mucaaradka maamulka ee ka soo jeeda gobolka Gedo.

Haddaba waxaa maanta magaalada Muqdisho shir saxaafadeed ku qabtay xubno isugu jira Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo oo mucaarad ku ah maamulka Jubbaland oo ku baaqay in la dedejiyo wada xaajood la isugu yimaado  magaalada Kismaayo, waxaa kale oo ay gaashaanka u daruureen arrin ay ku tilmaameen in Axmed Madoobe uu ka wado magaalada Kismaayo, oo uu ku sheegay in shir dib u heshiisiin ah ka furay magaalada Kismaayo una furay Mucaaradka ka soo jeeda gobolka Gedo, taas oo ay yiraahdeen waxa uu uga golleeyahay in uu ku khaldo ra’yul-caamka.

Xildhibaan Maxamed Cali Magan oo si gaar ah ay u wareysatay Goobjoog News ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in wadahadal iyo heshiis uu yahay waddada ugu habboon ee lagu gaari karo, in la helo maamul ay dadka gobolladda Jubba u wada leeyihiin, ayna wada daafacdaan; kaas oo gaarsiin karaya nabad iyo horumar ay u baahan yihiin dadka Jubbaland.

Waxa uu xildhibaanku xusay in loo baahan yahay inaan laga meermeerin hor fariisiga siyaasiyiinta, iyadoo uu jiro waxyaabo badan oo laga tabanayo maamulka Axmed Madoobe oo u muuqanaya in aanuu rabin in lawada fariisto.

Waxa uu yiri:” Shan jeer oo hore ayuu ballan kabax ku sameeyay siyaasiyiinta, iyadoo lagu ballansanaa in la isugu yimaaddo shirar dib u heshiisiin ah, taas oo ay ugu danbeysay 10.02.2016 oo lagu ballansanaa in magaalada Kismaayo uu ka dhaco shir dib u heshiin ah oo u dhexeeya Mucaaradka iyo Maamulka Jubba, laakiin inta aan ballankii la gaarin laba cisho ka hor u duulay dalka Kenya”.

Ugu danbeyn Siyaasiyiinta ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, beesha caalamka, gaar ahaan waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya in aan shakhsiyaad loo afduubin gobollada Jubba, waxay uga digeen inaan gobolladaas dib loogu celin colaaddii iyo dagaalkii sokeeye ee ay muddada dheer ku soo jireen.