U bood dhigaalka

Xildhibaanno iyo Wasiirro kasoo Jeeda Waqooyiga Soomaaliya oo Qaadacay Doorashooyinka Dadban ee 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno iyo Wasiirro ka soo jeeda waqooyiga Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney taageersan yihiin go’aankii dhawaan odayaasha waqooyi ay ku qaadaceen doorashooyinka 2016.

Xildhibaanno ay ka mid yihiin xil. Ismaaciil Cilmi Boqorre, xil. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo  xil.C/llaahi Xaaji Cali iyo xubno kale oo siyaasiin ah oo saxaafadda si wada jira ula haday maalinimadii shalay , ayaa waxay sheegeen iney si buuxda u taageerasan yihiin go’aankii odayaasha dhaqanku ay ku qaadaceen doorashooyinka 2016, illaa inta ay ka helayaan cadaaladdii ay u baahaanyeen.

Xildhibaan Ismaaciil cilmi oo ugu horreyn hadlay ayaa sheegay haddii aaney helin xuquuqda ka maqan, ay doorashada gabi ahaanba qaadacayaan oo aaney ka qeybgalayn:

“Ujeedada maanta aan halkan u joogno,  haddii aanuu nahay siyaasiyiinta ka soo jeedda beelaha waqooyi, wasiirro, xildhibaanno, waxaan halkan ka caddeynaynaa go’aankii ay qaateen odayaasha dhaqanka ee beelaha waqooyi, inaanu ayid sannahay oo go’aankii ay horey u qaateen ku ayid sannahay ee haba yaraatee in aan ka qeybgalin doorashooyinka la filayo in laga qabto Soomaaliya sanadkan 2016-ka, aqalka sare iyo aqalka hoose midnaba, haddii aanan helin xuquuqda aan ku leenahay aqallada aan soo sheegay oo nalaga siin waayo kuraastii madaxda madasha uga qeybgalay ay go’aamiyeen, madashaa madaxdii go’aamisayna aanan ka qeybgalin”.

Dhanka kale waxaa isna hadlay Dr.Cilmi Maxamuud oo sheegay in cadaaladda dib loogu soo noqon, haddi kalena aaney ka qeybgalayn gabi ahaanba doorashada dadban ee dalka:

“Haddii aan cadaaladda lagu soo noqon in doorashada soo socda aan ka qeybgaleyn, oo dadka kasoo jeeda goboladaasi ka qeybgaleyn oo aan waxna laga weydiin karin oo halkaasna qaranimadii iney ku dhunto halis ku tahay, dadka gobollada waqooyi waa dad isku duuban in xuduud look ala sameeyo ma habboona ee si isku duubni ah iyo wada jir in wax loogu qeybiyo ayaa habboon, xuquuqda ka maqan gobollada waqooye way ka wada maqan tahay, reero gaar ah kama maqna, markaa in si wadajir ah oo walaalnimo ah oo daris wanaag ah oo wada dhalasho leh oo ixtiraam leh in wax loogu qeybiyo loona dhex dhigo iyaguna cadaaladda wey sameyn karaan”.

Xildhibaan Cabdillaahi Xaaji Cali oo isna dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxda koonfurta Soomaaliya ay yihiin kuwo u baahan talada waqooyi, si dalku u helo nabad waarta, tijaabada nabadda ee waqooyina loo baahan yahay in la  gaarsiiyo guud ahaan dalka.

Odayaal ka soo jeeda waqooyiga Soomaaliya kana mid ahaa 135 xubnood ee soo xulaysa ergada doorashada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho isbuucii lasoo dhaafay ayaa waxay qaadaceen doorashooyinka 2016, iyagoo sheegay in cadaalad darro lagu sameeyay qeybsiga kuraasta baarlamaanka dalka.

Goobjoog News