U bood dhigaalka

Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Ka Warbixiyey Safarro Ay Ku Tageen Gobollada Sool Iyo Sanaag

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka oo safar indho indheyn ah ku gaarey degaanada Sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle ayaa ka warbixiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku soo arkeen degaanadii ay gaareen, iyagoo lug ku maray dhul gaaray 1150 km, waana xildhibaanadii ugu horreyay ee sidaas oo kale sameeya.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo ugu horreyn hadlka qabsaday ayaa sheegay iney safarkoodu qaatay ilaa 16 cisho, isla markaana ay dhul ballaaran mareen, waxa ugu muhiimsan ee ay dadka kala hadlayeen ayuu ku sheegay midnimada, “waxaan tagney degmooyin badan oo ay ka mid tahay degmada Taleex, degmada Xuddun, Laascaanood, Buuhoodle, iyo qeybo ka mid ah degmado Burco, waxaanan tagin gobollada waqooyi bari iyo gobolka Awdal, laakiin gobollada kale waanu tagney, wixii aan dadka kala hadleynay waxay ahayd midnimada, angoo marwalba bulshda kala kulmeyney qeybeheeda kala duwan, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, cuqaasha, howshii aan u baxneyna Illaahay waa nagu guuleeyay, waxaan gaadiid ku marney dhul gaaraya illaa 1150 km (Kun Boqol iyo Konton kiiloo mitir), waxaanu ahayn xildhibaanadii ugu horreeyay ee deegaan intaas ah mara”.

Xildhibaan Cabdullaahi Xasan Rooble oo isna dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ula jeedadoodu ahayd iney soo ogaadaan dadku waxa ay tabanaayaa, waxuu sheegay iney soo arkeen caruur badan oo agoomo ah oo uu sheegay in waalidkood ay deleen Somaliland oo ku eedeeyay iney xasillooni darro iyo barakicin ay ka waddo goobihii ay booqdeen, waxa uu sheegay in dadka Sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle horumarkii dhinac kasta lagala dagaalamay , waxay u dhibaatoonayaanna ay tahay midnimada Soomaaliya oo ay ku dhagan yihiin.

Xildhibaan Yurusf Maxamed Cali ayaa isna dhankiisa sheegay in dadka goboladii ay booqdeen ay ka sinnaayeen dalbashadii xuquuqdooda dastuuriga ahayd iyo in loo dhiso maamulkii ay xaqa u lahayeen maadaama laba gobol iyo wax ka badan ay yihiin.

Ugu danbeyn xildhibaanada ayaa dowladda Federaalka ugu Baaqay iney dadka dhibaateysan ee gobollada ay booqashada ku tageen ay wax u qabato, horumarkoodana ay ka qeyb qaadato, maamulkii ay u baahnaayeenna ay u dhisto, maadama midnimadii dalka darteed loo dhibaateynayo, wax horumar ahna laga ilaaliyay, barakinicn joogta ahna lagu hayo.