U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Kulan La Qaatay Waxgaradka Deegaanka Ceelcali Ee Hiiraan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa socdaal waxa ay ku tageen deegaanka Ceelcali ee gobalka Hiiraan, halkaasi oo kulan ay kula qaateen qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaankaasi.

Kulamada ay xildhibaanadaan la yeesheen waxgaradkaan ayaa looga hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee deegaanka iyo sida lagu sugi karo amniga guud ee deegaankaasi.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha gaaray deegaanka Ceelcali ayaa u sheegay Goobjoog News, in si farxadeed loogu soo dhaweeyay deegaankaasi, islamarkaana uljeedka socdkooda yahay inay eegaan marxaladda ay dadka ku nool yihiin.

“Waxaan ku faraxsannahay sida naloogu soo dhaweeyay deegaanka Ceelcali oo ku dhawaad 9-sano gacanta Al-shabaab ku jirtay, hadii ay iska dulqaadeen dadka shacabka ah kooxaha Nabad diidka ah inaan booqanno waajib ayeey nagu noqotay, waxaana la kulannay shacabka iyo Odayaashooda, waxaana sii wadi donnaa kulamada” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Deegaanka Ceelcali waxaa muddo badan maamulaysa Al-shabaab, waana markii ugu horeysay oo ay gaaraan xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoog News