U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland Oo Mooshin Ka Keenay DP World

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Puntland ayaa Mooshin ka gudbiyay Shirkadda DP World oo gacanta ku heysa dhismaha Dekadda Boosaaso.

Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa gaaraya ku dhowaad 20 Xildhibaan.

Puntland ayaa horay DP World ugula heshiisay in ay ballaariso dhimaha Dekadda Boosaaso iyada oo gacanta ku heyn doonta muddo dhan 30 sano.

Xildhibaannada Mooshinka keenay ayaa sheegay in aysan jirin ilaa iyo hadda wax ay ka qabatay Shirkadda DP World dib u dhiska dekadda Magaalada boosaaso ee xarunta gobolka Bari,

Waxaa ay tilmaameen Xildhibaannada in Shirkadda ay lacag kaliya ka gurato Dekadda halkii laga rabay in ay dhisto iyaga oo hoosta ka xariiqay in DP World aysan sii maamulin Karin dekadda Boosaaso.

Goobjoog News