U bood dhigaalka

Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland oo Heshiiska Dekedda Barbara ee Shirkadda Dubai World ku Tilmaamay Mid Taariikhi ah

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa amaan ballaaran u soo jeediyay heshiis lagu ballaarinayo dakadda Barbara ee shirkadda Dubai World lagula soo saxiixday Dalka Emairatka.

3 xildhibaan oo kala ah Cabdillaahi Blacki , Xil.Axmed Maxamed Diiriye, Xil. Abibakar Cabdiraxman Good oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa Arbacadii ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiska ay Somaliland la gashay shirkadda Dubai World oo dib u habeyn iyo ballaarin ku sameyn doonta dakadda Barbara oo ah Xarunta dakhliga ugu weyn kasoo galo Maamulka.

Xildhibaan Cabdillaahi Blacki oo ugu horreyn la hadlay warbaahinta ayaa guul ballaaran ku tilmaamay heshiiska waxaanuu yiri:

“Shirkayagan jaraa’id aanu maanta saxaafadda kula kulanay waxa uu ku saabsan yahay booqashadii madaxweynaha ee dalka aan walaalaha nahay ee Emairatka Carabta uu ku tagay iyo guulihii ballaarnaa ee uu ka soo hooyay socdaalkiisaa”.

“Runtii waxaan odhan karnaa waa guul aad u weyn oo Somaliland u soo hoyatay, booqashadaa madaxweynuhu ku tagay dalka Emairatka Carabta oo inoo daahfurtay waxyaabo badan oo aan baryo dhan raadineynay ama dalkuba u baahnaa” ayuu hadalkisa sii raaciyay.

Faa’iidada heshiiska ayuu ku timaamay mid dhinacyo badan:

“Dakadda oo la ballaadhinayo, Barbara oo noqoneysa Dakad Caalami ah oo wadamada jaarka aan nahay iyo geeska Afrikaba la tartameysa Dakadoodu dakadaha caalamiga ah, Keydka shidaalka oo la ballaarinayo, dhinaca dalxiiska oo wax laga qabanayo oo Hotello waaweyn 5 star ah laga sameynayo, wadada aan muddo ku taameynay oo Barbara oo ay gacan ka geysanayaan”.

Waxa uu xildhibaanku xusay in dhaqaalo farabadan laga helay heshiiskan:

“Dhaqaalo farabadan ayaan ka helnay walaaleheen Emairatka Carabta, Madaxweynahana waan ku hambalyayneynaa howshaa ballaaran ee uu soo qabtay, tanina ay tahay mashruucii ugu xoogga badnaa ee Somaliland u soo hoyda, aad baan us oo dhaweyneynaa, waxaanan leenahay howshaasi waa howl dalku u baahnaa, waa howl muhiim ah” .

Dhanka kale xildhibaan Axmed Maxamed Diiriya (Nacnac) oo ka hadlay Heshiiska ayaa sheegay in dakado Cusub laga dhisayo Somaliland:

“Laba dakadood oo kale oo dheeraad ah iyo tii hore oo la inoo sameeyo, Emairatku waxay inaga qaadanayaan Dhillinyarada Jaamacadaha ka soo baxda oo ay shaqo abuur u sameynayaan, waxaanuu leenaya waa guul madaxweynuhu gaadhay, ninkii diidaaya yeelkadii, waxaanu leenahay waanu guuleysanay”

Xildhibaan Abibakar Cabdiraxman Good ayaa dhankiisa yiri :

“Adduunku waxa uu u socdaa qaab horumar ah, waad arkaysaan oo dakadihii waa la ballaarinayaa, waa la casriyaynayaa, bulshadii way sii koreysaa inaan ka faa’iideysanno tartanka oo dadka bilaa dakadaha ah aan ka faa’iideysanno oo dakaddeenu wax badan qaaddo lana ballaariyo waa tallaabo aad iyo aad muhiim u ah”.

Ugu dambeyn; Madaxweyne Siilaanyo iyo wafti uu hoggaaminayo oo ku sugan Dalka Emairatka Carabta ayaa heshiis la gaaray shirkadda Dubai World oo lagu wareejiyay horumarinta Dakadda Barbara.

Goobjoog News