Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo marti ku ahaa barnaamijka Jimcaale oo ah todooble ka baxa Goobjoog Fm ayaa su’aalo ka keenay suurtogalnimada in doorashooyinka dalka ay dhacaan iyadoo ay taagan yihiin caqabdo ay tahay in xal laga gaaro ka hor doorashooyinka.
Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo xildhibaan Cabdi Cali Xasan ayaa aaminsan in ka dib shirkii madasha ay ku go’aamisay in doorashada ugu weyn ay dhacdo October ay soo baxeen caqabado xoog leh oo dib u dhigi kara doorashaka la filayo dabayaaqada sanadkan.
Xildhibaan  Cabdi Cali  ayaa waxay la tahay in doorashadu aaney dhici karin wakhtiga la qorsheeyay iyadoo aan la xallin caqabadaha ka dhashay natiijadii shirkii madasha ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho; ” Doorashadu haddii caqabadaha imaan kara la xalliyo wakhtigii waa lagu qaban karaa, laakiin caqabado waaweyn oo keeni kara in ay doorashadu qabsoomin ayaa jira, waxyaabaha ugu badan oo caqabadaha ahna waxaa ka mid ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku tuntay dastuurkii markii ugu horreysay oo uu madasha uu sameynaayay waxay ahayd  sharci darro oo qodobbo dastuurka ah ayuu jabiyay”.
Xildhibaan Cabdi Cali ayaa tilmamaay in haddii caqabadaha hadda taagan aan waxba laga qaban sida ugu dhakhsiyaha badan ay taasi keeni karto in dib ay u dhacdo mar kale doorashada dalka, waxaanuu sheegay iney habboon tahay in mar kale ay madashu ka shiraan oo ay wax ka qabtaan cabashooyinka jira.
Caqabadaha ugu waaweyn ee hadda jira ayaa waxaa ka mid ah saamiga aqalka sare ee beelaha waqooyiga Soomaaliya, kadib go’aankii madasha oo ay shir yeesheen beelahaasi ayay gabi ahaanba ku qaadaceen doorashada dadban ee 2016.
Xildhibaan Dr. Cilmi oo soo hadal qaaday qodobkaas ayaa sheegay iney sax tahay doodda dadka reer Somaliland isagoo aqalka sare  ku sheegay inuu yahay astaanta midnimada dalka oo ay sax tahay in saami u qalma laga siiyo;
“Dalku  labo qeybood buu ahaa oo Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed sameeyay oo haddii aqalka sare la qeybinayo waa astaantii midnimada dalka, dalku Labuu ahaa maantana wey kala tagsan yihiin in halkaa la abbaaro ayay ahayd oo muhiimadda ugu weyn la saaro, sidaa darteed haddi cabasho badani jirtay tan iyo lixdankii, aqalka baarlamaanka ee hoosena saamiga ay ku leeyihiin ay caqabadi ka jirto kana maqan yihiin in badan oo ka mid ah hoggaankii iyo golayaashii dalka, in la yiraahdo aqalka sare midnimadii Soomaaliya ha isku soo celiyay ayay ahayd”.
Xildhibaanku waxa uu xusay in ay dhaliilsan yihiin habka wax loo qeybiyay iyo in la kala saaray Somaliland iyo Sool iyo Sanaag oo uu yiri, waxaanu fahmi weynay sababta waqooyi loo kala qaaday, madashu ma hab beeleed ayay u fakareen oo Sool iyo Sanaag Puntland u raaciyeen, waxa uu xusay in arrinkaasi u qalmi waayay oo ay diideen in la kala saaro gobollada waqooyi.
Caqabadaha kale ee dhanka doorashada ku gudboon waa ka mid ah, sida laga yeelayo doorashada deegaanada aan maamulku ka jirin ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, iyadoo madashu ay kulmi doonto mar kale 17 bisha dambe ee ayay ku ballan san yihiin iney yeeshaan kulankooda ugu dambeeya ee ay uga arrinsanayaan doorashooyinka dalka.
Goobjoog News