U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Federaalka Oo B/weyne u Tagey Garab Istaagga Waxgaradka Hiiraan

Sheeko:Baarlamaanka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw halkaasi ay tageen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannadan oo kala ah C/laahi Goodax Barre iyo C/qaadir Sheekh Xanafi ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka magaaladaasi, waxaana mudanayaashan oo si kooban saxaafadda ula hadlay ay sheegeen in halkaasi u tageen garab istaagga duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.

Waxay tilmaameen in sidoo kale Baladweyne u tageen sidii xal looga gaari lahaa arrinta gobolka Hiiraan ee ku aadan maamulka loo sameynayo gobolkaasi iyo Shabellaha Dhexe.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in ay waxgaradka kala shiri doonaan sidii looga gudbi lahaa hagardaamo ay sheegeen inay waddo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News