U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Maamulka K.Galbeed oo Dhaliilo Xooggan Usoo Jeediyay Madaxda Sare ee Maamulkooda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur-galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u dhaliilay hoggaanka sare ee maamulka iyagoo ku eedeeyay musuqmaasuq iyo nin jeclaysi.

Xildhibaannadan saxaafadda la hadlay ayaa intooda badan waxay ka hadleen abaaro aad u daran oo ka jira maamulka K.Galbeed iyagoo hoggaanka sare ee maamulkana ku dhaliilay iney dano gaar ah ku mashquuleen.

Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax ayaa ka hadlay dhaliil uu u soo jeedinayo xubnaha sarsare ee maamulka K.Galbeed, waxa uuna yiri:

“Madaxa maamulka Koonfur Galbeed danihiisa gaar ahaaneed ayuu ka shaqeysanayaa oo ummaddii danaheeda wuu iskaga tagay, waxaad u jeeddaan in maamulka K/Galbeed uu dadkii qeybiyay oo Labo qeybood ka dhigay; qeybna uu soo dhaweystay, qeybna uu iska dheereeyay, waxaad ogsoon tihiin Hotellada qaar in habeenkiiba lagu seexanayo $300, $200 ugu yaraan $100 habeenkii dadka qaar ay ku seexanayaan qaarna ay macluul hayso waad ogtihiin, hal maalinna uusan ka hadleyn hoggaanka K.Galbeed, Sh/hoose maalin walba waxaa ka dhacaya madaafiic dhibaato, AMISOM oo dad baabuur jiirsiiso, hal maalin oo hoggaanka K.Galbeed ka hadlay ma jirto, xaddiis ayaa jiray in nabigu(NNKH) uu habaaray dadka qofkii xil u qabtay oo u naxariisan waaya”.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay in aaney wax xuquuq ah oo golohoodu leeyahay aaney arkin 12 bilood ee la soo dhaafay:

“Annaga maadaama aan nahay xildhibaanadii K.Galbeed wax kale aan qaban karno ma lahee inaan ka hadalno mooyaane, waxaad ogtihiin xildhibaannada K.Galbeed inaaney wax xuquuq ah lahayn, Hal sano ayay joogaan, 12 bilood wax xuquuq ah oo ay qaateen ma laha haba yaraatee, corruption musuqmaasuq, dano gaar ahaaneed, adduunyada wixii ka jiray oo dhan K.Galbeed ayay iskugu yimaadeen”.

Xildhibaanku waxa uu aad uga hadlay abaaraha ka jira K.Galbeed oo uu ku tilmaamay mid aad u ba’an, isagoo dadka wax haystana ugu baaqay iney garab istaagaan dadka dhibaateysay ee abaaruhu ay saameynta adag ku yeesheen.

Goobjoog News