U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Puntland oo Ka Hadlay Xasaanad Laga Qaaday

Sheeko:Baarlamaanka

Xidhibaanno ka tirsan maamulka Puntland oo maalinimadii shalay maxkamadda sare ee Puntland ay mudodaysay dhegaysiga kiis ku aaday xil ka qaadis lagu sameeyey  ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe waxaana ay ka hadleen eedeynta loo soo jeediyey oo xilka looga qaaday 8-da mudane ee ka tirsan golaha wakiillada maamukaas.

“3-da Bisha 12-aad 2020 xeer ilaaaliyaha ayaa waxaa uu yimid golaha waxaan uu soo jeediyey eedeyn ciqaab ah oo 8-deena xildhibaan nagula ciqaabayo oo uu leeyahay nimankaas ambi yey galeen waa in  xasaanadda laga qaado si aan maxkamad ciqaab u horgeyno. Arrintaas waa ay dhacday annagu waxaan aaminsaneyn in aysan wax sal iyo raad leh aheyn, laakiin waan ku aamusnay , ujeedkeenu waxaa uu ahaa waxaad sharci u leedahay iyo waxaadan u laheyn insha allah halkaas ayey ku kala cadaanaysaa” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaannada warbaahinta la hadlay.

Xidhibaannada ayaa sidoo kale ka hadlay warqad shay la soo baxay maxkamadda sare ee Puntland oo lagu sheegay in xildhibaannada makamadda sare maalinta khamiista ah ay dhageysanayso kiiska xaasanadda looga qaaday.

” Facebook-yada ayaan waxaan ku aragnay warqad la leeyahay xukunkiinii waxaa loo wareejiyey Iidaari, ma garan karo sababta loogu wareejiyey, waxaana galaya garyaqaanka dowladda, xeer ilaaliyihii idiin soo eedeeyey ogeysiis ayaa la siiyey oo ninkii dhammaa oo kiiska inuu soo bandhigo laga sugaayey, ummadda waxaan u sheegeynaa wixii sharci yaqaan ah iyo wixii saaxiibul-caqli ah in ay arkaan waxa ku jira 48 saacadood ayaan  xaq u leyn in maxkamad nala horgeeyo oo eedeyntii ay soo jeediyeen nagula cadeeyo madhicin 9-bisha ayaa lasoo saaray Iidaari ayaa laga dhigay, garyaqaanku dadka uu u doodayo ayaan annagu kamid nahay” ayuu yiri xildhibaanku.

Hadalka xildhibaannada ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dhowaan golaha wakiillada Puntland oo xasaanad ka qaadis ku sameeyey 8-da mudane, waxaana xigay warqad ka soo baxday maxkamadda sare oo lagu sheegay in kiiska ku aadan xildhibaannada ay maxkamaddu qaadayso 10- bisha December 2020-ka.

Goobjoog News