U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Shirshabeelle oo Jawaab Ka Bixiyey Hadalkii Baarlamaanka Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo wasiirro, maanta kulan isugu yimid magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay soo saareen warsaxaafadeed, ay uga jawaabeen, war-murtiyeed maanta ka soo baxay baarlamaanka dowlad goboleed Puntland, kaas oo ku aadan mataladda gobolka Banaadir ee golaha aqalka sare.

Xildhibaanada maanta shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee ka tirsan baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in nhadalka kasoo yeeray baarlamaanka Puntland uu yahay mid aan xilligan loo baahneyn, isla markaana uu kala fogeynayo midnimada iyo ku duubnida umadda Soomaaliyeed, sida ay u dhigeen warkooda xildhibaannada.

“Puntland waxaan ka ogolaanay federaal oo ay noo keeneen, gobol wax halagu qeybsado iyagaa keenay waan ka aqbalnay, hal mar ma aanaa dhihin war laba gobol-baad heystaan, marka dooda walaaleheen waxaan u aragnaa inay tahay naceyb ay u qabaan gobolka Banaadir iyo dadka kasoo jeeda, waxaasna ka yeeli meyno Casirkii hadaad warantaana Cishihii ayaan warameynaa” sidaas waxaa yiri mid kamid ah xildhibaanada maamulka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale xildhibaan ka hadlay ayaa sheegay in Puntland madaxdii hore ay ka shaqeyn weysay, isaga oo ugu baaqay in dhexdooda ay isku laabtaan”Hadii dowladdii madaxweyne Sheekh Shariif inka shaqeyn weysay, oo tii Xasan Sheekh inka shaqeyn weysay, hadana tan Farmaajo ay inka shaqeyn la’dahay Puntland-ney is xisaabiya inta aan la idin xisaabin, hadii madaxweyne aan garta ogoleyn inta iska soo hor mariseen gadaal ka marteen, oo umadda aadnaa ka qaban, idinkaa la idiin yaabaa.” sidaas waxaa yiri mid kamid ah xildhibaanada maamulka  Hir-Shabeelle.

Wasiirka amniga maamulka Hirshabeelle ayaa yiri dhankiisa” Hadakii xanafta lahaa ee ka soo yeeray baarlamaanka maamulka goboleedka Puntland, oo xaqiiqii u hadlay si aad u cadiifadeysan, si aad ay Soomaalinimadu uga xuntahay, waxaan leeyahay hadalka aad sameyseen ee xanafta leh waxaa uu kalagen karaa Soomaali, waxayna ay dhaawici karaan geedi socodka nabada umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirka Amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta qoraal kasoo baxay waxay nuqul kamid ah xukuumadda madaxweyne Deni ku fareen in uusan ka qeyb gelin shirka uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi  Farmaajo, kaas oo lagu wado inuu Muwdisho ka dhaco inta u dhaxeysa 5-ta illaa 8-da bishan nasoo aadan ee July 2020-ka, iyagoo sidoo kale sharci darro ku tilmaaamay meel marinta 13 xumbin ee matalaadda Caasimadda.

Goobjoog News