U bood dhigaalka

Xildhibaanno Maanta Lagu Dooranayo Magaalada Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee xubnaha kusoo aaddey beelaha Banaadiriga ah.

Waxaa maanta xarunta gaadiidka Booliiska ee degmada C/casiis lagu dooran doonaa Labo Kursi sida Goobjoog News u xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga doorashada dadban heer Federaal.

Ergooyinka doorashada ayaa hadda waxay ku qulqulayaan xarunta loogu talogalay in doorashada ay ka dhacdo, iyadoo ammaanka guudna yahay mid aad loo adkeeyey.

Beelaha Banaadiriga ayaa aqalka hoose ku leh 7 kursi, waxaana lagu dooran doonaa magaalada Muqdisho.

Doorashada maanta ka billaabaneysa magaalada Muqdisho ayaa noqoneysa middii ugu horreysay ee ka dhacda magaalada Muqdisho, iyadoo maalmaha soo aadan sidoo kale maagaalada lagu qaban doono doorashooyinka xubnaha Labada aqal ee ka imaanaya Somaliland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News