U bood dhigaalka

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Garoowe

Sheeko:War
Xildhibaan Xasan Abshir Faarax
Xildhibaan Xasan Abshir Faarax

Wafdi xildhibaano ah oo ka socda baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xildhibaanadan oo gaaraya todobo mudane ayaa ka kala yimid magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi iyadoo Xildhibaan Xasan Abshir Faarax uu hor kacayo wafdiga maanta gaaray Puntland.

Wafdiga markii uu ka dagay garoonka Garoowe waxaa halkaa ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha magaalada Garoowe Cabdi Casiis Nuur Cilmi iyo madax ka tirsan maamulka Puntland.

Ujeedka socdaalka xildhibaanadan ay ku tageen Garoowe ayuu ku sheegay Cabdicasiis Nuur Cilmi in uu salka ku hayo mad-madowga soo galay xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Warar hoose ayaa sheegaya in qaar ka tirsan xildhibaanada ka soo jeeda Puntland ay u tageen Garoowe si ay uga jawaabaan baaqii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa in xubnaha matalaya Puntland ee ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay dib ugu soo laabtaan deegaanada Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa si adag uga hadlay magacaabistii dowladda federaalka Soomaaliya ee maamulka loogu sameeyay gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Gaas ayaa cod dheer ku sheegay in Puntland ay xiriirka u jareyso dowladda Soomaaliya, kadib markii buu yiri ay ku xad gudubtay dastuurka u yaalla dowladda federaalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa maamula qeyb ka mid ah gobolka Mudug oo ay dowladdu maamulka u sameysay.

 

Codka xildhibaan Xasan Abshir Faarax