U bood dhigaalka

Xildhibaano Ku Geeriyooday Qaraxa Hotel Ambassador

Sheeko:Baarlamaanka

Xogheyaha guud ee baarlamaanka Cabdikarim Xaaji Buux oo goordhaw la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay geerida 2 xildhibaan oo kala ah Xildhibaan C/laahi Jaamac Kaba-weyne iyo Xildhibaan Max’uud Max’ed Guure oo ka mid ahaa Xildhibaannada Barlamakanka federaalka.

Buux ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in uu xildhibaan kale halkaas ku dhaawacmay, qaarna la badbaadiyay.

In ka badan 50 qof oo dhaawac ah ayaa la dhigay Isbitaallada Madiina iyo Banaadir, qaar ka mid ah dadkaas waa ay dhinteen halka in bandanna la badbaadiyay, sida ay sheegayaan weriyeyaasha Goobjoog oo tagay goobaha caafimaadka.

Qaraxa Hotel Ambassador waxaa ku sidoo kale ku dhintay dad shacab ah, waxaana halkaas ku burburay hanta aad u badan.

Taariikhda Xildhibaannada Geeriyooday kala socda, Goobjoog News

Goobjoog News