U bood dhigaalka

Xildhibaano siyaabo kala duwan uga hadlay heshiiska maamullada gobollada dhexe

Sheeko:War
Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane
Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane

Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay heshiiskii dhex maray maamullada Gobolada dhexe ee Dalka.

Xildhibaan Cabdi naasir Gaarane oo u waramay Goobjoog FM ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiskaasi halka ay sharci darro ku tilmaameen.

Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in arrintaa ay tahay tillaabo hormar leh o ay gaareen dadka dega gobollada dhexe ee Soomaliya.

Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka sidoo kalena xubin ka ah guddiga arrimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya o isna la hadlayay Goobjoog FM ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiskaasim waxa uuna yiri ma ahan mid dastuurka waafaqsan.