U bood dhigaalka

Xildhibaano xad gudub ku tilmaamay magacaabistii RW ee guddiga farsamada

Sheeko:War

Kadib markii ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh uu xalay magacaabay guddiga farsamada ee maamulka KMG ee koofur galbeed, waxaa soo baxay durbadiiba xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka oo aad uga soo hor jeeda arrinkan, waxaana ay ku tilmaameen hannaanka uu RW wax u magacaabay mid dastuurka u yaalla dalka xad gudub ku ah.

Waxaa ka mid ah xildhibaanada maanta Goobjoog FM la hadlay :

1-Xil,Maxamed Cabdulle Faarax Geesey.

2-Xil. Cabdullaahi Jaamac Xuseen Kaba weyne.

3-Xil. Nuur Maxamuud Xuseen.

4-Xil.Naciima Maxamed Gacal.

Xildhibaanadan ayaa la soo xiriiray barnaamika “Golaha Shacabka” ee uu daadihiyo Cabdi Fitaax Xasan Axmed (Kalgacal).

Wararka Goobjoog news