U bood dhigaalka

Xildhinaabanada Golaha Shacabka oo Ansixiyey Hindise-sharciyeedka Mijnadlayaasha Caafimadka Qaranka,

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhinaabada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda fedeeaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga 7-aad kulankiisa 14-aad ay ku yeesheen xarunta villa Hargeysa waxa ay ku ansixiyeen  Ansixiyey Hindise-sharciyeedka Mijnadlayaasha Caafimadka Qaranka,

Kulanka ee uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Shiekh Ibraahim Muudeey iyo guddomiye ku Xigeenka labaad ee golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Waxa Ogalaatay 137 Mudane waxa ka aamustay 1 Waxa Diiday 5 Sidaas ayuu Ku meelmaray Sharcigaan.

Wasaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo diyaarisay hindise-sharciyeedka mijnadlayaasha Caafimadka qaranka,waxaana wasiirka caafimaadka Fowsiyo Abiikar nuur ay uga mahadcelisay ansixinta .

Sidoo kale waxa ay maanta mudanayaasha golaha shacabka ay Akhrina 2-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed, oo horay ay golaha u soo marsiiyeen akhrintii koowaad, golaha ayaa waxaa horyaallo  ajandayaal dhowr ah, ka hor muddo xileedkooda.

Goobjoog News