U bood dhigaalka

Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Ayaa Qalab Isboorti U Qaybiyay Kooxaha Ka Qeyb Galaya Horyaalka Koonfur Galbeed 2020

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka Kubbadda cagta Soomaliya ayaa qalab isboorti oo kala duwan u qaybiyay ilaa koox oo ka mid ah kuwa sanadkan ka qeyb galaya horyaalka kubbadda cagta Koonfur Galbeed oo markii ugu horeesay la qabanayo  maamulkaas waxaana fuudeenta iyo qarashaadka inta uu tartanka socdo bixinaya X.K.Cagta.

“Way mahadsanyihiin Xiriirka Kubbadda Cagta kaalinta ay ka qaadanayaan horomarinta kubbadda cagta Koonfur Gabeed waxayna tani dhiiri gelin u noqonaysaa in tartamada iminka inoo socda ay kasoo baxaan dhallinyar badan oo ka qeyb qaadanaya Xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu saxaafada u sheegay guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed Axmed Cusmaan Cali (Axmed Dollar).

Guddoomiyaha warbaahinta ahna guddoomiye ku xigeenka arimaha horomarinta Maamul Goboleedyada Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Abuukar Islaw Xasan aya sheegay in Xiriirka uu ku howlan yahay horomarinta iyo kor u qaadida kubbadda cagta guud ahaan Koonfur Galbeed.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maaxamed ayaa u mahad celiyay madaxda Xiriirka Kubabdda Cagta Soomaaliya,da’daalada horomarineyd ay ka wadaan Maamulka Koonfur Galbeed,tani ay kor u qaadayso is dhaxgalka bulshada iyo nabadda.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qalabka Loo Qabiyay Kooxaha Koonfur Galbeed

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/605611830286707/

 

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle