Xiritaanka Kalfadhigga Labaad Ee Baarlamaanka Galmudug Oo Dib Loo Dhigay

Guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in waqti dheeraad ah lagu daray xilligii uu xirmi lahaa Kalfadhiga Labaad ee baarlamaanka maamulkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in shaqooyin badan oo yaalla awgeed aysan macquul noqoneyn inuu xirmo Kalfadhigga Labaad ee baarlamaanka ayna jiraan shaqooyin badan oo u baahan in xilligaan la dhameystiro.

“Maanta oo ay tahay 30-ka bisha Afaraad 2016, waxay ku aadan tahay gabagabadii Kalfadhigii Labaad ee xildhibaannada Galmudug oo ay shaqeynayeen 4 bilood, waxayna xaq u lahaayeen inay qaataan fasaxoodii, waxaan sheegaynaa in fasaxaasi dib loo dhigay si loo dhameystiro howlaha qabyada ah ee horyaalla xildhibaannada sida uu qabo xeerhoosaadkeena 22-aad faqradiisa 3-aad iyo qodobka 39-aad faqradiisa 8-aad ee Dastuurka Galmudug, sidaa darteed waxaan u sheegaynaa xildhibaannada in shaqadeenna ay sii socon doonto inta aynu ka dhameystirayno ajendayaasha muhiimka ah ee na horyaalla” ayuu yiri Guddoomiye Maalin.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in lagu guda jiro waqti kala guur ayna muhiim tahay in baarlamaanka ku baraarugsanaado xil gudashadooda, waxaana uu xusay in xeerarka hadda horyaalla ee muhiimka u baahan yihiin in wax laga qabto.

“Waxaa naloo keenayaa xeerka Maaliyadda, waxaa na horyaalla xeerka Garsoorka, waxaa kaloo inoo yaalla Labo Hindise harciyeed oo soo maray shuruucdii una baahan in la ansixiyo” ayuu guddoomiye ku xigeenka hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Kalfadhiga Labaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa ku ekaa 30-ka bishaan April 2016 oo ay ahayd in xildhibaannada ay fasax galaan, hase ahaatee Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in Kalfadhiga sii socon doono inkastoo aanu waqti sheegin.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW