U bood dhigaalka

Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Uu Soomaray Afka Soomaaliga

Sheeko:Dalka, War

Dal walbo dunida ku yaalla waxyaabaha uu ku faano waxaa  ka mid Horumarinta afkooda  hooyo si ay dunida u fahansiiyaan  muhiimadda uu leeyahay afkooda iyo dhaqankooda.

Marka aad joogto  dalka  madax ilaa iyo shacabka waxa ay qaar badan oo ka mid ah  adeegsadaan luqad aanan ahayn midooda.

Qorista iyo hergalinta farta Soomaaliga ayaa soo martay  marxalado badan iyada oo  in kabadan 800 boqol oo sano ay soo  socotay Hirgalinta  afka Somaaliga maadaama  Soomaalidu  xilgaa   ku hadli jreyn  afafka carabiga talyaaniga  iyo ingiriska  si ay u yeeshaan  af iyaga u gaar ah ayaa dadaal loo galay,

Muwaadiniin iyo aqoonyahano  Soomaali  ah  ayaa u kacay in dadka ay u sameeyan luuqad ka duwan midi  horay loo adeegsan jiray iyada oo is qabqabsi balaaran uu soo kala dhaxgalay  aqoonyahanada ku howlanaa sameynta afka soomaaliga

Si loo harumariyo afka Soomaaliga waxaa la furay hay’adda akadeemiyada  dhaqanka  sandaka marka uu ahaa 1972  waxaana loo aas aasay  sidii looqori lahaa loona hirgalin lahaa afsomaliga  waxaana  la magacaabay guddi u gaar ah    afka Soomaaliga.

Waxaa  akadeemiyadda  dhaqanka loo badalay  sanadka markuu ahaa 1979 akaademiyada fanka iyo cilmiga suugaanta iyada oo dowlladii xiligaa jirtay  ay aragtay shaqada ay qabaty akadeemiyada  dhaqanka

Aqoonyahan Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ahaa Guddigii ay dowladda u xil saartay saxid qoraalka iyo ku hadalka afka Soomaaliga  ee olalaha horumarinta reer miyaga ayaa ka sheekeenaya  taariikhihii uu soo maray afka Soomaaliga

“Sababtoo ah xiligaa waxaa dhibaato weyn aheyd af iyo qoraal laanta dalka iyag oo lagu shaqeenayay afafka Gumeestaha  waxaana laqoray 21 jun 1972 si dalka uu loogu helo waxaa la hirgaliyay qoraalka farta Soomaaliga 1973 iyada oo ay dowlada dhamaan ku amartay shaqaalahayda in ay bartaan qorista farata Soomaaliga “

Maxamed Saciid Cabdi oo ka mid barayaasha wax ka dhigay  jaamacadda ummadda ayaa  Goobjoog uga sheekeeyay wax yaabaha Hoos u dhigay afka Soomaaliga.

“shirar badan oo dunida ugu qeyb galaya  waxa la igu yiri  maxaa idinka hortaagan Hormarinta afkiina  taa waan ka Gubtay “

“waayo waxyaabaha hoos u dhigay Hodontinimada afka waxaa ka mid ah Goobaha ganacsiga  oo lagu qoro afka Soomaaliga “

Dadka lagu xasuusto in ay kaalin wanaagsan  ka qaateen soo hindisidda afka Soomaaliga waxaa ka mid aha  Allaha u naxriiste Sheekh Yuusuf Alkowneyn oo guud ahaan gobollada u tagay sidii uu dalka u yeelan lahaa luuqad gooni  u ah   iyada oo ay jiraan  shaqsiyaad kale  oo iyana lagu  xasuusto  in ay wadeen hirgalinta afka Soomaaliga.

Waxaan marka ay dalka qabsadeen Gumeestihii talyaaniga iyo ingiriiska 1884 ay qasab ku noqotay barashada Afka Soomaaliga gumeestayaasha  si ay u sahlanaato  in dalka in ay gumeystaan dareemayna baahida arrintaan loo qabo.

Qaamuuskii ugu horeeyay sax  ahaa waxaa la sameeyay  1933  waxaana ka horeeyay qaamuus kale oo ka koobnaa Soomaali iyo  English isna la sameeyay 1839

1920   ayaa u suurta gashay Alllaha u naxariistee Cismaan Keena -diid in Afsoomaliga lagu qoro  iyada oo la adeegsanayo latiini .

Marka la eego xaaladaha uu soomaray Afka Soomaaliga iyo sida hadda Loo adeegsanayo waxaa  u dhaxeeya farqi weyn iyada oo Goobaha waxbarashada  heer hoose illaa iyo heer jaamacadeed lagu dhigto luqado aan ahayn afkeena Soomaaliga .

Agaasimaha waaxda dugsiyada   wasaarada waxbarashada  ee xukuumadda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cilmi Tooxow  ayaa weydiiyay waxa ka hortaagan in wasaaradda waxbarshada dhammaan dugsiyada dalka lagu dhigo afka Soomaaliga.

“Afka Soomaaliga waxa uu soo maray maraxlado kala duwan  annaga maraakaanu nahay wasaaradda waxbarashada waxaan qorsheeneynaa in aan dalka oo idil ka hirgallinno manhaj  dhameestiran si aan dib ugu soo cellinno in Goobaha waxbarashada dalka loogu dhigo afka Soomaaliga ”

21 january 2015 waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ammar ku bixiyay isaga oo ka qeybgalaya munaasabadda lagu xusayey 42 guuradii kasoo wareegtay  marka la qoray lana hirgaliyay afka Soomaaliga in xafiisyada dowladda  dhammaan warqadaha kasoo baxo in lagu qoro afka Soomaaliga balse ma ayan hirgalin.

“ku hadalka afkeenna waa muhiim waxaan ku amrayaa shaqaaalaha Dowladda in maanta laga billaabo  warqadaha Gudaha ay adeegsanayaan xafiisyada dowladda  ay ku baxaan afka Soomaaliga  si aan kor ugu qaadno tayada uu lahaa afkeenna hooyo  ”

si loo tayeeyo Korna loogu qaado afka  Soomaaliga iyo qoristiisa ayaa qoraa sare Cabdiqaadir  Nuur Xuseen Maax waxa uu ku talinayaa  in Soomaalida ay fahmaan hodontinimada afka Soomaaliga.

“Waxaa lagu Hormarin  karaa Afkeena i muwaadiniintu ay fahmaan Hodontinimada afka Soomaaliga  dadakuna warqadaha shaqadane ay ku qoraan farta soomaaliga  shirkadaha ajnabibiga ahna ay dareensiiyaan  Hodontinimada afka Soomaaliga “.

W/Q: Ibraahim Xaaji Yuusuf

Goobjoog News