U bood dhigaalka

Xisbiga AKP oo Ku Horeeyo Codadka La Tiriyay

Sheeko:Caalamka

Akhristayaasha Goobjoog News ee sida toos ah ula socda doorashada Baarlamaaniga ee Turkiga wararaka waxaa ay sheegayaa in Xisbiga AKP  uu ku horeeyo codadka ilaa iyo hadda la tiriyay.

Dadka la socda waxaa ay leeyihiin waxaa ilaa hadda la tiriyay 50% codadkii la dhiibtay waxaana si weyn ugu horeeyay Xisbiga talada haya ee AKP, guushan lama filaanka ah ayaa yaabisay xitaa dadka siyaasad ahaan diidan Xisbiga.

Codadka la tiriyay: AKP: % 51 CHP: % 23 MHP: % 11 HDP: % 10

Doorashadii Dhacday Bishii June 7, 2015, Justice and Development Party (AK party)  waxaa uu lumiyay taliska 13 sano uu dalkaas kaligii maamulayey, waxaa uu sidoo kale ku guuldaerstay in uu sameeyo dowlada wadaag.

Xisbiga AK waxaa uu helay 258 kursi, kuraasta Baarlamaanka Turkiga sida aan sheegany waa  550, waxaa 80 kursi ka helay Baarlamaanka Peoples’ Democratic Party (HDP), xisbigana  pro-Kurdish party

Republican People’s Party (CHP)  waxaa uu helay 131 kursi halka Nationalist Action Party (MHP) uu helay 8o Kursi

Natiijada kala soco Goobjoog News