U bood dhigaalka

Xoghaya Cusub Ee Golaha Shacabka oo Xilka La Wareegay

Sheeko:Baarlamaanka
Munaasabad kooban oo uu xilka kula wareegayay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa lagu qabtay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka iyo ku-xigeennadiisa, la-taliyaha arrimaha Amniga iyo Siyaasada ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, ayaa dhammaan feylasha ay ku keydsanyihiin Xogta Golaha Shacabka iyo dhamaan howlaha Xafiiska, ayaa ku wareejiyay Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle jaabiri, isagoona sheegay in uu ku faraxsanyahay islamarkaana uu ku kalsoonyahay aqoonta iyo kartida Shaqsiga xafiiska kala wareegay, waxaana uu kula dardaarmay in uu dardargeliyo Shaqada in uu shaqada meesha ka sii amba-qaado.
Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa uga mahadceliyay Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka ee Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay mudadii uu Xafiiska joogay, isagoo balanqaaday in uu halkeeda kasii wadi doono.
Habdhawraha Golaha Shacabka Mudane Xil. Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo gaba gabada munaasabada soo xiray ayaa sheegay in Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka ku amaanay howlkarnimadiisii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu Goluhu kasoo qabtay,waxaana uu kula dardaarmay Xoghayaha cusub ee maanta xilka la wareegay in uu shaqadiisa noqato mid ay ku dheehan tahay daacadnimo iyo howlkarnimo.
Goobjoog News