U bood dhigaalka

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Oo Afrika Socdaal Ku Maraya, Akhriso Ujeedka Safarka Blinken

Sheeko:Caalamka

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa safar ku imaan doono dalalka  Kenya, Nigeria iyo Senegal todobaadkaan sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Blinken ayaa caasimadda Nigeria ee Abuja, kulan kulan kula yeelan doona  Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari waxay ka wada hadli doonaan iskaashiga amniga caafimaadka caalamiga ah, ballaarinta helitaanka tamarta iyo amniga iyo arrimo kale, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda washington.

Inta uu socdaalkiisa ku guda jiro ayuu sidoo kale Kenya kulan kula qaadan doona madaxweynaha dalkaas ee Uhuru Kenyatta iyo mas’uuliyiin kale “waxay ka wadahadli doonaan danaha aan wadaagno haddaan nahay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan wax ka qabashada arrimaha amniga gobolka, sida Itoobiya, Soomaaliya, iyo Suudaan,” sida ay sheegtay waaxda.

Booqashadiisa Afrika ayuu Blinken ku soo gabagbageyn doona Senegal halkaas oo uu Madaxweyne  Macky Sall ee Dakar, kulan kula qaadanayo.

Safarka Blinken ayaa bilaabmay shalay  oo Isniin aheyd waxaana la qorsheynaya in uu socdo muddo shan maalin ah 15–20 November, Maraykanku ayaa doonaya in uu kor u qaado hindise uu hoggaaminayo Midowga Afrika oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo qowmiyadda Tigrayga.

Xiisada ka taagan dalka Itoobiya ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulka Itoobiya ay xabsiga u taxaabeen boqolaal qof oo Tigray ah oo ay ku jiraan qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, maalmo kadib markii ay dowladdu ku dhawaaqday xaalad degdeg ah.

Blinken waxa uu sheegay in Maraykanku uu si dhow ula shaqaynayo ergeyga Midowga Afrika, Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, kaas oo isku dayaya in uu gacan ka geysto dhexdhexaadinta xabbad-joojinta colaadda.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa socdaalkiisa ku xoojinaya sidii loosoo afjari lahaa dagaalka sanadka socda ee Itoobiya ka socda.

Goobjoog News