U bood dhigaalka

Xoghayeyaasha Labada Aqal oo Fariin Ku Aadan Dhaarinta u Diray Xildhibaannada Cusub Ee Labada Aqal

Sheeko:Baarlamaanka

Xoghayeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya Cabdikariim Xaali Buux iyo Cali Maxamed Jaamac ayaa fariin waxaa ay u direen  Sanatarrada iyo xildhibaannada cusub ee la doortay ee lagu wado in barri loo dhaariyo Baarlamaanka 11-aad, waxaana uu ugu baaqeen in xildhibaannada qaatay Shahaadada iyo kaararka aqoonsiga  barri ay yimidaan dugsiga tabarka ciidanka Booliiska Jeneral Kaahiye.

“Maalinta Berri ah haddii Alle yidhaah, Senator kasta isagoo wata kaarkiisa aqoonsiga wuxuu imanayaa akademiyadda tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye (Police Academy), saacaddu markay tahay 09.30 subaxnimo. Haddii ay jiraan Senatorro haysta shahaadada Guddiga FEIT balse aanan wali qaadanin kaarka aqoonsiga Senatornimo, waxay horey u soo qaadanayaan shahaadada Guddiga FEIT.
Halkaas waxaa idiin ku diyaar ah basaskii idin gayn lahaa xarunta ciidamada Cirka ee Afasiyooni oo ah goobta ay xafladda dhaarintu ka dhacayso. Baabuurta Senatorradu wataan iyo askartoodaba waxaa looga tagayaa barxadda Dusiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye. FG: Senatorrada deggan agagaarka Airporka waxay imanayaan Saldhiga Airporka, halkaas oo loogu diyaariyey gawaadhidii qaadi lahaa Islamarkaana gayn lahaa goobta ay ka dhacayso xafladda dhaarinta ” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xoghaya aqalka sare Cali Maxamed Jaamac

Sidoo kale xoghaya golaha shacabka Cabdikariim Xaaji ayaa dhankiisa fariinta golaha shacabka sidaan u dhigay. “Beri hadii ilaahay yiraahdo Xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa  akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9:30 aroornimo, Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso.Baabuurtiina iyo askartiina waxaa uga tageysaan barxada Dusiga jeneral Kaahiye” ayuu ku yiri qoraalka.

Goobjoog News