U bood dhigaalka

Xubna Ka Tirsan Guddiga FEIT Oo Ku Wajahan Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorshooyinka heer federaal FEIT ayaa sheegay in xubna ka tirsan guddiga ay maanta oo Arbaco ah tagayaan magaalada Baydhabo si xal looga gaaro tabashooyinka maamulka Koonfur galbeed ee arrimaha doorashooyinka dalka.

War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in u jeedka socdaalka xubnahaan uu yahay sidii loo xallin lahaa khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa xubno ka mid ah Guddiga u diraya Berri Subax 13.04.2022 Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si xal looga gaadho tabashada Maamulka Koonfur Galbeed”, ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay baraha bulshada guddiga FEIT.
Maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in uu xiriirkii u jaray xafiiska ra’iisulwasaaraha oo hormuud u ah howlaha doorashooyinka ayna dib u ceshedeen xildhibaannadii laga soo doortay deegaannadooda.
Goobjoog News