U bood dhigaalka

Xubnaha Aqalka Sare ee 54 oo Si Dhameystiran uga Qeybgeli Doona Doorashada Guddoonka Golaha

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Raage oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in xubnaha Aqalka Sare ay si buuxda uga qeybqaadan doonaan doorashada Guddoonka Golaha.

Guddoomiye Raage ayaa ugu horreyn ka hadlay guddiga qabanqaabada doorashooyinka wakhtiga doorashada guddoonka:

“Guddigaani waa guddigii doorashada baarlmaaka Aqalka Sare, guddigu wuxuu qabanayaa marka ugu horreysa xildhibaannada raba iney isku soo sharraxaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuwa raba guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo kuwa raba guddoomiye ku xigeen 2-aad intaas ayay diiwaangelinayaan, howlahana iyagaa hagaajinayaa illaa laga doorto guddoomiyaha iyo Labada ku xigeenno, guddiga shaqadiisu Talaadada ayuu bilaabaneysaa howshiisa, isla markaana waxay ku dhaqaaqayaan howlihii u gaarka ahaa ee loogu talogelay ugu dambeysna maalinta Sabtida ah ee soo socota in la doorto guddoomiyaha baarlamaanka iyo Labadiisa ku-xigeen”.

Mar aan wax ka weydiinnay xubnaha Aqalka Sare ee ka harsan iney ka qeybgalayaan doorashooyinka iyo in kale, ayaa waxa uu sheegay in doorashada ay ka qeybgalayaan:

“Way ka qeybqaadanayaan doorashada, hadaba Lix ayaa la dhaariyay shan ayaa dhiman marka ay yimaaddan ayaa la dhaarinaynaa”.

Xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii 16 Janaayo magacaabay guddiga qabanqaabada doorashooyinka guddoonka baarlamaanka oo muddo kooban ku soo gabagabeyn doona doorashada guddoonka Aqalka Sare.

Goobjoog News