U bood dhigaalka

Xubno Kamid ah Guddiga Doorashada oo Xildhibaannada Gedo u Diiday Ka Qeyb Galka Doorashada Guddoonka

Sheeko:Baarlamaanka

Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka golaha shacabka oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in xildhibannada lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey aysan ka qeyb gali doonin doorashada Barri ka dhacayso Teendhada Afisyooni ee lagu wado in lagu doorto guddoonka golaha shacabka.

Hadalka xubnahaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo caawa  la dareemayo khilaaf soo kale dhex galay guddiga oo laba qeybood u kale jabay, kuwaas oo lakala saftay guddoomiye Cabdirisaaq iyo xoghayaha guud Cabkariin Boox, tii oo ay jirto in taliye Xijaar ku dhawaaqay inuusan damanaad qaadi karin amgiga goobta.

Hadalka kasoo baxay qeybta kamid ah guddiga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo lagu wado in waa bariga 27-ka bisha Muqdisho lagu qabto doorashada guddoonka golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka dalka, waxaana jirtay in Rooble uu amniga kala dardaarmay goobta Teendhada ciidanka taliska ATMIS.

Goobjoog News