U bood dhigaalka

Xukuumadda Itoobiya oo Guulo Ka Sheegatay Dalgaalka Gobolka Tigray

Sheeko:Caalamka

Dowladda Itoobiya ayaa guulo waxaa ay ka sheegatay dagaalka gobolka Waqooyiga dalkaas, waxaana ay durgayaan magaaliyin gobolka waxaa xoogaga u daacad ah maamulka  gobolkaas ee TPLF, ka qabsadeen magaalada Adigrat.

Maamulka gobolka ee Tigray  ayaa sheegay in dad rayid ah lagu laayey gobolkaas, waxaana jirin  faahfaafin intaas ka dheeraad ah oo ay biyeen, maadaama isgaarsiinta ay ka maqantahay hawada oo la jaray  isgaarsiinta gobolkaasi.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Itoobiya ee hoggaamiyo Abey Axmed ayaa sheegay in Ergada Midowga Africa uu soo magacaabay aysan tagi karin gobolka, laakiin ay la kulmi karaan oo kaliya Ra’iisalwasaaraha dalkaasi  Abay.

Afhayeenka oo la weydiiyey in cid ama qabiil gooni ay beegsanayaan ayaa sheegay in aysan jirin, arrintaas waxaana uu xoogagga TPLF uu ku tilmaamay qaswadayaal, howlgalkana uu sii socon doono inta laga soo afjarayo dagaalkaasi.

Dalka Itoobbiya gobolka ku yaalla Waqooyiga ayaa waxaa ka holcaayo dagaallo  u dhaxeeyo ceedamada federaalka Itoobiya iyo xoogagga maamulka gobolka Tigree ee TPLF, kuwaas oo diiday doorasgada dalka oo dib loo dhigay.

Goobjoog News