U bood dhigaalka

Xukuumadda iyo baarlamaanka dalka oo bogaadiyay Goobjoog FM

Sheeko:War

DSC_0940

Wasaaradda warfaafinta, Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ururada bulshada Raydka iyo bahda Saxaafada ayaa si isku mid ah u bogaadiyay sanad guurada labaad ee Goobjoog FM.

Hadal wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow uu ka jeediyay sanad guurada Idaacada ayuu ku sheegay in Goobjoog ay ku talaabsatay hormar la taaban karo taas oo uu sheegay in ay ku qasbanaadeen ka wasaarada ahaan abaal-marin ay guddoon siin doonaan shaqaale ka tirsan idaacada.

Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka, xubno ka socday oo u hambalyeyay Goobjoog FM ayaa kula dardaarmay howl-wadeeneeda Idaacada in dhabar ay u yeeshaan sii wadista shaqada ay u yahaan bulshada.

Wararka Goobjoog news