U bood dhigaalka

Xukuumadda oo ka hadashay dhimashada hooyada iyo dhallaanka Soomaalida

Sheeko:War
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay taageerayaan saddex hay’adood oo kuwa Qaramada Midoobey ah iyo Urur-goboleedka IGAD, ayaa maanta daaha ka rogey laba hindise oo muhiim ah iyo warbixin si ay u hubiyaan caafimaadka iyo bedqabka hooyooyinka iyo dhallaanka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegey in daah-rogidda Qorshaha Qaran ee Dardar-gelinta Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka loogu talogaley in lagu sii wanaajiyo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, iyada oo ay barbar-socdaan Ololaha Dardargelinta Yareynta Dhimashada Hooyooyinka ee Afrika/_Accelerated Reduction of Maternal Mortality in Africa_ (CARMMA) iyo Warbixinta Xaaladda Umulinta Hooyooyinka ee Dunida ee 2014 (_the State of the World’s Midwifery Report_ 2014) ayaa ka dhigan guul u soo hoyatey haweenka iyo carruurta dalka.

“Muddo dheer ayaa aanan ku guuleysan in aan hooyooyinka iyo carruurta siinno xuquuqdooda aasaasiga ah ee ay u leeyihiin caafimaad wanaagsan iyo daryeel caafimaad oo tayo wanaagsan leh,” ayaa uu yiri.

“Dowladdan waxaa ka go’an in ay hubiso in arrintan ay is-beddesho. Carruurtu waa mustaqbalkii ummaddeenna waxaana waajib ah in aan si kasta oo suuragal ah aan gacan u siinno si ay nololoosha wanaag ugu bilaabaan.”

Qorshaha Dardargelinta MCH, oo ka dhashey hindisaha Badbaadinta Nolosha

Hooyooyinka (U-babac-dhigidda Culeyska Jira)/_Saving the Lives of Mothers and Children (Rising to the Challenge)_ oo si heer gobol ah daaha loogaga rogey shir heer sare ah oo sanadkii hore ay qabteen Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Carruurta (UNICEF) iyo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha (UNFPA), si ay mudnaan u siiyaan caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ayaa laga bilaabi doonaa gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah iyada oo lagu beegsanayo in ka badan hal milyan oo carruur iyo haween ah.

Isla waqtigaa ayaa ololaha CARMMA ee Midowga Afrika waxaa uu arrintantan uga qareemeyn doonaa heerar kala duwan si uu Soomaaliya gacan uga siiyo in ay horumar ka gaarto xaqiijinta Yoolka Horumarka Kun-sanadka ee ah in dhimashada hooyooyinka la yareeyo afar-meeloodow saddex meel muddada u dhaxaysa sanadaha 1990 ilaa 2015ka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale daaha looga rogey Warbixinta Xaaladda Umulinta Hooyooyinka ee Dunida ee 2014 (_the State of the World’s Midwifery Report_ _2014_), oo ay isku-soo-duween UNFPA iyo WHO oo bixisa xog muhiim ah oo ku saabsan umulinta haweenka ku nool 73 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Intii ay socotey munaasabadda daah-rogga oo ka dhacdey Muqdisho, ayaa Dr Ala Alwan, Agaasime-goboleedka Xafiis-goboleedka WHO ee Gobolka Bariga

Mediterranean-ka uu Dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyey mudnaanta ay siisey caafimaadka hooyada iyo dhallaanka: “Dadaalladooda ku aaddan yareynta silica iyo dhimashada carruurta iyo haweenka ayaa hadda uu mira-dhalkoodu bilowdey, waxaana wax kale oo badan laga sugayaa bilaha soo socda marka lagu xisaabtamo ballanqaadka iyo hawlgalka aan dhammaanteen maanta sameyneyno,” ayaa uu yiri.

“Kuwani waa hindisayaal muhiim ah – waa in aan hadda hubinaa in la dhaqangeliyo oo aan gacan ka geysanaa si loo hubiyo in ay meesha ka baxdo dhimashada laga hortegi karo ee hooyooyinka, dhimashada carruurta dhowaan dhashey iyo tan carruurta kale – taas oo aasaas adag u ah mustaqbalka.” Philippe Lazzarini, Madaxa Qaramada midoobey ahna Isuduwaha Gargaarka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya ayaa sidaa u sheegey dadkii dhegeysaneyey oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka kala socdey Dowladda iyo Qaramada Midoobey, NGO-yo, bulshada rayidka ah iyo saxaafadda.

Waaxdii caafimaadka ee Soomaaliya ayaa inta badan ku burburtey dagaallo socdey in ka badan 20 sano iyo dayacaad taas oo dhibaato weyn ay ka soo gaartey dadweynaha.

Qiyaastii mid ka mid ah shantii carruur ah ayaa dhimanaya ka hor inta aanu shan jirsan iyada oo sababaha ugu waaweyn ee ay u dhimanayaana ay ka mid yihiin oof-wareen, shuban iyo jadeeco iyo sidoo kale caabuqyo/cudurro iyo dhibaatooyin kale oo haleela bisha ugu horreysa noloshooda.

CARMMA waxaa sanadkii 2009kii bilaabey Guddiga Midowga Afrika waxaana hadda daaha ka rogtey 44 dal oo Afrika ka tirsan.

“Daah-rogidda CARMMA waxaa ay hubineysaa in la helo hannaan caafimaad oo xooggan iyo dadaal dhab ah oo ay sameeyaan dhammaan maamullada kaas oo ay mudnaan ku siinayaan caafimaadka ayna ku xoojinayaan adeegyada daryeelka taranka iyo xaaladaha degdegga ah ee uurreyda iyo umulaha ee degaannada uu gaaritaankoodu ugu dhib badan yahay,” ayaa uu yiri

Sheikh Cisse, oo ah Wakiilka UNFPA Somalia.

“Muddo aad u dheer, ayaa Soomaaliya ay ku badnaayeen burbur iyo cunfi/rabshad,” ayaa uu yiri Oscar Butragueno, oo ah Sarkaalka Ka Ma’uulka ah UNICEF Somalia. “Waxaa la joogaa waqtigii carruurta la siin lahaa fursad ay ku badbaadaan/noolaadaan ayna ku baraaraan waxaana ay ololayaashan gacan ku siinayaan in ay carruurta ay noloshooda sida ugu wanaagsan ku bilaabaan.”