U bood dhigaalka

Xukuumadda Siilaanyo oo Looga Digay iney Saldhig Militari U Ogolaato Dalka Emaratka Carabta

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland ayaa digniin u diray xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo wadahadal kula jirta dowladda Emaratka Carabta oo doonaya iney saldhig militari ka sameystaan Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo aaney xaq u lahayn in xilligan oo kale ay gasho heshiisyo sidan oo kale u weyn ogolaatana in saldhig militari laga sameeyo magaalada Berbera maadaama ay u harsan tahay wakhti kooban oo saddex bilood oo qura ku siman.

“Marka Saldhig la bixinayo wax weyn weeyaan wax lagu ciyaaro maaha, saldhigaasi carqalad buu keenayaa, maxaa saldhig lagu rabaa?yaa lagu duulayaa? Maxaa dan inoogu jira?, arrintaasi waa arrin qaran xisbiyada iyo goloyaasha ayaa la doonayaa iney ka qeybgalaan, Saddex bilood baa xukuumadda u hadhay, xaq uma laha in ay heshiis gasho”, ayuu yiri xildhibaan Siciid.

xildhibaan-siciid-axmed-rooble

Bilhii la soo dhaafay ka dib heshiiskii DP World ee dekedda Berbera ayaa waxaa soo shaac baxay in dalka Emaratku saldhig militari ay ka doonayaan iney ka furtaan magaalada Berbera.

Waxaa  si rasmi ah u go’ay  4, May, 2015  xiriirkii diblumaasiyadeed ee Jabouti iyo Emaratka Carabta oo saldhig ku lahaa gudaha Jabouti, xilligaa wixii ka dambeeyay ayaa dowladda Emaratku waxa ay indheheeda ku soo jeedisay dhanka Somaliya oo ay doonayso iney ka hesho saldhig militari oo laga taageero hawlgallada isbahaysiga uu Sacuudigu hoggamiyo dalka Emaratkuna uu qeybta ka yahay ee ka socda Dalka Yemen.

 

Goobjoog News