U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo Billowday Fulinta Amarkii Ra’iisulwasaare Kheyre Ee Doorashada

Sheeko:Baarlamaanka

Shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay sidii loo fulin lahaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in Xukuumaddu si buuxda uga shaqayso hirgalinta doorashada dalka oo xilligeeda lagu qabto.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa furay shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in ay guddigu diyaariyeen tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay guddiga si loo hirgeliyo doorasahada.

Kulanka ayaa looga dooday baahida deg dega ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta.

Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqay muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan.

Wasaarraddaha Amniga, maaliyadda iyo arrimaha gudaha ayaa iyana soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shirkii Golaha Wasiirrada Khamiistii la soo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hortaalla xilligan ay tahay hiegelinta doorashada.

Goobjoog NewsK