U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo dib u furaysa wadada xiriirisa Muqdisho iyo Beledwayne

Sheeko:War
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre

Wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo furayo wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Beled weyne.

Wasiirka wasaaradaasi Cabdullaahi Goodax Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay wado qorshe dib loogu furayo wadooyinka muhiimka ah ee gobollada dalka, kuwaasi oo ay ugu horeyso wadada dheer ee u dhaxaysa Beledweyne iyo Muqdisho.

Goodax ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ay xal u raadinayaan in shacabka gobolada dhexe ay isu gudbaan oo wadadii dib loo furo xilli inta badan wadooyinka gobolada dhexe iyo Bakool ay gooyeen xarakada Al-Shabaab markii ay ka baxeen degmooyin iyo deegaano ka mid ah goboladaasi.

AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay deegaano fara badan, kuwaas oo hoos yimaada qaar ka tirsan gobolada koofureed ee dalka, balse waxaa xusid mudan in xarakada Al-shabaab ay maamushu wadoyin iyo degmooyin ka tirsan gobolladaas.

Saameynta ugu wayn ee isu socodka dadka iyo gaadiidka waxa ay taabatay dadka isticmaala wadooyinka isku xira gobollada qaar.