U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo furtay shir lagu gorfeynayo xuquuqda dumarka

Sheeko:War
Khadiijo-Max’ed-Diiriy
Wasiirka Haweenka Iyo Xuquuqda Aadanaha xukuumadda Soomaaliya Qadiijo Maxamed Diiriye

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furtay kulan looga hadlayo Heshiiska dalalkii Caalamka ku saxiixeen Magaalada Beijing ee Dalka Shiinaha , kaas oo ilaalinaya xuquuqda aadanaha iyo tan haweenka dunida.

Kulankan oo socon doona Maalamaha soo aadan waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah haween Soomaaliyeed, kuwaas oo lagala tashanayo heeshiiskaasi oo la saxiixay sanadkii 1995-tii oo Dalka dagaallo uu ku jiray.

Wasiirka Haweenka Iyo Xuquuqda Aadanaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Qadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay kulankaasi.